Waxaa culeys uu soo wajahayaa nidaamka Doorasho qof iyo Cod ee Villa Soomaaliya xili ay ku han weyneyd in dalka ay ka qabsoonto.

Waxyaabaha laga soo sheegayo KGS uma wanaagsana dhagaha Villa Somalia oo waxa ay hagal daacinayaan qorsheheeda iyo damaceeda Doorasho.

Advertisement

June 2026 waxaa lagu madalsanaa in deegaanada dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir halmar ay ka dhacdo doorashada qof iyo Cod lkn mamuuqato saasaanteeda oo durbadiib waxaa bilowday kala shaki.

Madaxweynaha KGS Cabdicasiis Lafta gareen waxaa maankiisa ka dhex guuxay qabsashada doorashadii dadbaneed ee sanada ka hor uu ku soo baxay maadaama hadalo uusan jecleesanin uu kaga yimid Villa Somalia kaasi oo ah in doorashada lagu bilaabo KG iyo gobolka Banaadir.

Lafta gareen ayaa indhaha ku haya waxa ka soconaya gobolada dhexe iyo Hir-shabele, hadii uu ka waayo wax saansaan ah waxaa u qorsheesan inuu aado doorahsadii dadbaneyd.

Shakiga ayaa waxaa sii xoojinaya diplomaaiyiinta Itoobiya ee Muqdisho oo gaaray magaalada Baydhabo kuwaasi oo wadahadalo natiijadooda fashil kusoo dhamaaday la qaatay Lafta gareen

Qunsulka guud ee Itoobiya ayaa gaaray Baydhabo.

Inkastoo Diplomasiyiinta ay sheegeen in maamulkaasi ay kala hadlayaan arimo amni iyo howlgalada ka dhanka ah Alshabaab hadana waxaa la leeyahay arinku taa waa ay ka duwantahay oo waxaa laga wada hadalayaa sidii KG loogu taageeri lahaa Doorashada Dadban.

Hadaba hadii KG Soomaaliya ay ka degto Tareenka Doorasho qof iyo Cod maxaa dhici kara, Su’aashaasi waxaa shabelle ay hordhigtay falnqeeye dhinaca siyaasada Maxamed Xaadir Nuur?

Daruufo amni mid dhaqaale iyo Mid siyaasadeed ayaa kajira Soomaaliya waxaana la ogeyn sida Villa Somalia ay u hirgalin doonto doorashada qof iyo Cod.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here