Magaalada Muqdisho waxaa ka taagan dhaqaale xumo baahsan oo saameyn ku yeelatay nolosha dadka magaalada. Warbixin la daabacay December 2024 ayaa muujisay in xaaladda dhaqaale ee caasimadda ay gaartay heerkii ugu xumaa, iyadoo dadka qaar ay awoodi waayeen inay iska bixiyaan xitaa kharashaadka yar sida shaaha, taasoo keentay in qaar ka mid ah macaamiisha ay ka dhuuntaan bixinta lacagta shaaha kadib marka ay cabaan.

Canshuuraha oo kordhay iyo ganacsiyo xirmay ayaa sidoo kale qeyb ka ah sababaha keenay dhaqaale xumada. Caaqilka Mudulood ayaa sheegay in dadka ku nool gobolka Banaadir ay la kulmeen dulmi badan, iyadoo wax kasta laga qaado canshuur, taasoo sii kordhisay culeyska dhaqaale ee saaran bulshada.

Advertisement

Si kastaba ha ahaatee, waxaa jira dadaallo shaqsiyaad sameynayaan si ay uga hortagaan dhibaatada dhaqaale. Tusaale ahaan, Xasan Nuur Maxamed oo ah cunno kariye ku nool Muqdisho, ayaa bilaabay ganacsi yar oo iibinta shaaha, kaasoo u suurta geliyay inuu shaqo abuur u sameeyo dhallinyaro kale oo shaqo la’aan ah, isagoo sidoo kale ka caawiyay inuu maareeyo nolosha qoyskiisa iyo waxbarashadiisa.

Dhibaatada dhaqaale ee ka jirta Muqdisho waxay u baahan tahay in si wadajir ah wax looga qabto, iyadoo loo baahan yahay in la yareeyo culeyska canshuuraha, lana dhiirrigeliyo ganacsiyada yaryar si loo abuuro fursado shaqo oo cusub.

W/Q: Mohamed Abdullahi Mohamed  (Cukaash)

E-mail :- mcmokaash21@gmail.com

 

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here