Sannadka cusub Soomaalida ugu ma dhalan goob kheyr iyo guri gobeed. Waa goor ay dayacanyihiin siyaasad ahaan, dhul ahaan iyo dhaqaale ahaanba. Waxaa la filayaa in isbaddello baaxaddoodu sarrayso ay ku soo wajahanyihiin geeska Afrika, gaar ahaan kolka uu aqalka cad galo Madaxweynaha cusub ee Maraykanka oo haatan howlihiisa ka wada qasrigiisa tamashlaha ee Mar-la-raga, Palm Beach.

Loolanka dhaqaalaha iyo kan ganacsi oo ay ku jiraan marinnada muhiimka ah ayaa door wayn ku leh tartanka gobolka. Dowladda UAE waxa ay dhabarka ku wadataa Soomaaliland oo ay aqoonsi la doonayso iyo Abiy Axmed oo ay rabto in dhaqan xumadu uu dalkiisa ka wada indhaha laga laabto.

Advertisement

Imaaraatku, maadaama uu qayb ka yahey heshiiskii Abraham Accord oo saldhiggiisu ahaa in dalalka Carabta iyo Israa’iil la heshiisiiyo, waxa ay dowladda Maraykanka ku waddaa gorgortan ah aqoonsiga SL iyo in indhaha laga qarsado Abiy Axmed. Maadaama dowladda cusub ee Trump ay xoogga saari doonta bariga dhexe iyo bariga fog (Shiinaha), maamulka cusub ee Trump waxaa la fili karaa inuu dalabaadka qaarkood ka qaato UAE.

Dhinaca kale waxa jirta xulufo arrinkaa diiddan oo Masar iyo Turkigu ugu horreeyaan, kuwaa oo aan haatan dagaal adag iyo dedaal ku jirin, balse aan ku qanacsaneyn ololaha ay waddo UAE. Masar waxa ay khatar u aragtaa in Itoobiya iyo xulufadeedu gacanka Cadan iyo Bab-al-mandab soo gaaraan.

Waxaan se rejaynnayaa in DFS dedaalka diblomaasiyadeed geliso dalalkaasi. Waxaa jira koox Lobbyst ah oo BGT Group la yiraahdo oo safiirka Maraykanku howlgeliyey bishiinna lagula heshiiyey 50,000$, sannadkii oo idilna waa 600,000$. Waa lacag aad u yar ee dowladdu dhulka ay xaraashayso 30 boos oo ka mid ah lacagtooda ayaa ku filan’e, difaaca dalka ha loo qoondeeyo almiino haddaan la joojinayn iibinta. Inta badan siyaasiyiinta Soomaalida, ma jiro mid ku dhaca inuu cambaareeyo ficillada UAE, maadaama ay dhaqaale ku taageerto oo ay bixiso lacago iskugu jira gunno iyo mushaar.

Arrimaha kale ee khatarta leh, waxaa ka dhawaajiyey ergaygii hore ee Trump u qaabilsanaa dalalka Sahel Region la yiraahdo Mr J. Peter Pham oo sheegey in Trump mar labaad miiska saarayo go’aankiisii ahaa in Maraykanku ciidamadiisa kala baxo Soomaaliya. Waxa uu sheegey in wax kale iska dhaaf’e, ciidamada gaarka ahaa ee DANAB musuqmaasuq hareeyey, Maraykankuna haatan wax dan-qaran ah oo uu ka dhex arko taageerada Soomaaliya aysan jirin.

Waxa kale oo ay sheegeen, duqayn badan oo loo gaystay kooxda AS, iyo taageero badan oo la siiyey dowladda, in kooxdu adkaysi muujisay, sidoo kale howlgalka AFRICOM waxa ay sheegeen in kooxaha xagjirka ah ku sii fidayaan galbeedka Afrika.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here