MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Taliye ku xigeenka Hay’ada Nabad sugida iyo sirdoonka qaranka Muxudiin Warbac ayaa la sheegay in xilka laga qaaday islamarkaana lagu badalay Xildhibaan Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon).
Inkastoo xilka qaadistaani aysan Dowladu si rasmi ah u aain hadana saxaaada ayaa heshay xogtaan oo ah in Taliyaha NISA loo gudbiyay xika qaadista Warbac iyo magacaabista Saadaq Joon.
Advertisement
Wararku waxay intaasi ku darayaan in saacadaha soo socda Dowladu si rasmi ah u shaacin doonto wareegtada lagu magacaabay Saadaq Joon.
Baraha Bulshada aad ayaa looga hadal hayay maanta ilaa caawa taasoo cadeyneysa in xogtaani sax tahay islamarkaana kaliya uun la sugaayo warqada dhanka dowlada ka soo baxeysa.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
Advertisement