BEIRUT (DAYNIILE.COM)-Israa’iil ayaa ku weerartay caasimadda Lubnaan ee Beyruut duqeymo ay fuliyeen diyaaradahooda dagaalka ka dib markii ay ku amartay dadka deggan xaafadda koonfureed ee magaalada inay naftooda la baxsadaan.
Guddiga madaxa banaan ee dib u eegista macluusha ee khubarada haqab-beelka cuntada ee caalamiga ah ayaa ka digaya in tallaabo la qaado maalmo gudahood si looga hortago macluusha waqooyiga Qaza iyo in la yareeyo xaaladdan masiibada ah” iyada oo ay socoto go’doominta millatariga Israa’iil ee bilaha ah.
Carruurta iyo haweenka Falastiiniyiinta ayaa ku dhawaad 70% ka ah dhammaan dadkii ku dhintay dagaalka Israa’iil ee Marinka Gaza, sida uu sheegay Xafiiska Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay.
Xasuuqa Israel ee Gaza waxa ku dhintay ugu yaraan 43,508 falastiiniyiin ah iyo dhaawaca 102,684 tan iyo October 7, 2023. Qiyaastii 1,139 qof ayaa lagu dilay Israa’iil intii ay socdeen weeraradii ay Xamaas hogaaminaysay maalintaas in ka badan 200 oo qofna waa la qafaashay.
Lubnaan, ugu yaraan 3,117 qof ayaa lagu dilay 13,888 kalena waa lagu dhaawacay weerarrada Israa’iil tan iyo markii uu billowday dagaalka Gaza.
SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM