Iran’s Khamenei leads prayers at funeral for Hamas leader Ismail Haniyeh

Aaska hogaamiyihii la dilay ee Xamaas Ismaaciil Haniyeh iyo ilaaladiisa ayaa lagu qabtay magaalada Tehran, iyadoo hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iran Ayatollah Ali Khamenei uu tujiyay salaada.

Advertisement

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa yeeshay kulan degdeg ah iyadoo ay jirto xiisad gobolka ka dib markii Haniyeh iyo taliyihii Xisbullah ee Fu’aad Shukr la dilay.

Ku xigeenka akiilka Falastiin ee Qaramada Midoobay, Feda Abdelhady Nasser, ayaa  golaha ka hor sheegay in QM heysato akhtiyaar ah inay dunida Nabad u horseedaan ama colad u horseedaan taasoo la micno ah in wax la qabto gumaadka yuhuduu ku heyso dadka Muslimiinta ah.

Ugu yaraan 39,480 qof ayaa lagu dilay 91,128 kalena waa lagu dhaawacay dagaalka Israa’iil ee Gaza. Qiyaastii 1,139 qof ayaa lagu dilay Israa’iil intii lagu guda jiray weerarradii ay Xamaas hoggaaminaysay ee dhacay 7-dii Oktoobar in ka badan 200 oo qofna waa la qafaashay.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here