Falastiiniyiinta ayaa ka cararaya xeryaha qaxootiga ee Bureij iyo Nuseirat ee bartamaha marinka Qaza kadib markii ciidamada Israa’iil ay soo saareen amaro cusub oo daadgurayn ah. Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga Falastiin ayaa sheegtay in boqolkiiba 86 ee Gaza ay hadda ku jiraan amaradaas.

Golaha Wasiirada ee Amniga Israel ayaa u fasaxay Ra’iisul Wasaaraha Benjamin Netanyahu iyo Wasiirka Difaaca Yoav Gallant inay go’aan ka gaaraan jawaabta weerarkii gantaallada ee lagu dilay 12 qof oo u badnaa caruur, kaasoo ka dhacay buuraha Golan ee ay Israa’iil haysato. Israa’iil ayaa ku eedaysay ururka Xisbullah ee Lubnaan, taas oo beenisay eedda.

Advertisement

Taangiyada ayaa si qoto dheer ugu riixay labada magaalo ee koonfurta ee ugu weyn Gaza, Rafah iyo Khan Younis, iyadoo ay socdaan dagaalo u dhaxeeya askarta Israel iyo dagaalyahanada Falastiiniyiinta.

Ugu yaraan 39,363 qof ayaa lagu dilay 90,923 kalena waa lagu dhaawacay dagaalka Israa’iil ee Gaza. Qiyaastii 1,139 qof ayaa lagu dilay Israa’iil intii lagu guda jiray weerarradii ay Xamaas hoggaaminaysay ee dhacay 7-dii October in ka badan 200 oo qofna waa la qafaashay.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here