QAZA (DAYNIILE.COM)-Agaasimaha cisbitaalka Kamaal Adwan ayaa sheegay in ilaa 50 qof ay ku dhinteen, oo ay ku jiraan shan ka mid ah shaqaalaha caafimaadka, weerar cirka ah oo ay Israa’iil ku qaaday dhismo u dhow cisbitaalka oo ku yaalla waqooyiga Qaza.

Wakaalladda Wararka Falastiin ee Wafa ayaa sheegtay in Israa’iil ay xalay weerar ku qaadday guri ku yaalla magaalada Gaza, halkaasoo ay ku dishay ugu yaraan sagaal qof.

Advertisement

Ilmo afraad oo falastiiniyiin ah ayaa ku dhintay qabow ba’an oo ka dhacay Gaza 72-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo boqolaal kun oo qof oo ka barakacay dagaalka Israa’iil ay u halgamayaan inay kulaalaadaan teendhooyin jilicsan, sida ay sheegtay Wafa.

Madaxa Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa ku sugnaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Sanca ee dalka Yemen markii ay duqeeyeen diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil ugu yaraan lix qof ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhinteen duqeymihii ugu dambeeyay ee Israa’iil ay ka geysatay dalkaas.

Dagaalka Israa’iil ee Qaza waxa uu dilay ugu yaraan 45,399 falastiiniyiin ah iyo dhaawaca 107,940 tan iyo Oktoobar 7, 2023. Ugu yaraan 1,139 qof ayaa lagu dilay Israa’iil intii lagu jiray weerarradii ay Xamaas hoggaaminaysay maalintaas, in ka badan 200 oo qofna waa la qafaashay.

SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here