HomeWarkiiWararkii ugu dambeeyay xasuuqa lagu hayo shacabka Gaza

Wararkii ugu dambeeyay xasuuqa lagu hayo shacabka Gaza

Open photoCiidamada Israel ayaa sii wada duqeymaha ay ka geysanayaan Gaza, iyagoo dilay ugu yaraan 28 falastiiniyiin ah tan iyo waaberigii, oo ay ku jiraan 11 qof oo ku dhintay Khan Younis.

Ciidamada Mareykanka ayaa sii wada weerarada ay ku hayaan dalka Yemen, kadib markii Xuutiyiinta ay sheegteen weeraro dheeraad ah oo ay ku qaadeen Israel iyo sidoo kale diyaaradaha xambaara ee Mareykanka ee ku sugan Badda Cas.

Falastiiniyiinta ku sugan Gaza ayaa ka baroor diiqaya geerida Pope Francis, kaasoo xiriir dhow oo joogto ah la lahaa bulshada Masiixiyiinta ah ee ku nool dhulka inta uu socday dagaalka.

Ugu yaraan 51,266 falastiiniyiin ah ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen 116,991 ay ku dhaawacmeen dagaalka Israa’iil ee Gaza tan iyo markii uu billowday 18 bilood ka hor.

Xafiiska Warbaahinta ee Xukuumadda Gaza ayaa tirada dhimashadeeda u cusboonaysiiyay in ka badan 61,700, isaga oo sheegay in kumannaan qof oo lagu la’yahay burburka hoostiisa loo malaynayo inay dhinteen.

Ugu yaraan 1,139 qof ayaa lagu dilay Israa’iil intii uu socday weeraradii ay Xamaas hoggaaminaysay 7-dii Oktoobar 2023, in ka badan 200 oo qofna waa la qafaashay.

SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -