Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa sheegay in Israa’iil ay fulisay ‘ujeedadeedii’ isla markaana la gaadhay xilligii dagaalka Qaza la soo afjari lahaa.
Wasaaradda caafimaadka dadweynaha ee Lubnaan ayaa sheegtay in weerar ay Israa’iil ku qaadday Dawhet Aramuun ay ku dhinteen lix qof, 15 kalena ay ku dhaawacmeen.
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in Israa’iil ay u ogolaatay hal howlgal oo gargaar ah oo lagu qaaday waqooyiga Gaza bishan, isla markaana ay weerartay hoyga loo qaybiyay sahayda wax yar ka dib.
Mareykanka ayaa sheegay in taageerada Israel ay sii socon doonto ka dib 30-maalmood oo kama dambeys ah oo lagu kordhinayo gargaarka Gaza haddii kale uu dhacayo dhaqaalaha lagu bixiyo hubka. Kooxaha gargaarka ayaa sheegay in Israa’iil ay ka sii dartay xaaladihii go’doonka ahaa muddadaas.
Xasuuqa Israel ee Gaza waxa ku dhintay ugu yaraan 43,665 falastiiniyiin ah iyo dhaawaca 103,076 tan iyo October 7, 2023.
Qiyaastii 1,139 qof ayaa lagu dilay Israa’iil intii uu socday weeraradii ay Xamaas hogaaminaysay maalintaas in ka badan 200 oo qofna waa la qafaashay.
Lubnaan, ugu yaraan 3,287 qof ayaa lagu dilay, 14,222 kalena waa lagu dhaawacay weerarrada Israel tan iyo markii uu billowday dagaalka Gaza.
SOURCE AL-JAZEERA
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM