Hoggaamiyaha Xamaas Ismaaciil Haniyeh ayaa sheegay in Israa’iil ay isku dayayso in ay hor istaagto dadaallada xabbad joojinta xilli xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken uu safar ku tagayo bariga dhexe.

Horaantii, kooxda Falastiiniyiinta ayaa Israa’iil ku eedaysay inay gashay dambi dagaal oo adag, weerarkii ay ku qaadday xerada qaxootiga ee Nuseirat halkaasoo lagu dilay ugu yaraan 274 falastiiniyiin ah, oo ay ku jiraan ugu yaraan 64 carruur ah.

Advertisement

Isbitaallada ay curyaamiyeen bilihii weerarrada Israa’iil iyo xannibaadda ayaa codsanaysa gargaar iyagoo ku dhibtoonaya daaweynta bukaannada.

Barnaamijka Cunnada Adduunka wuxuu hakiyay gaarsiinta gargaarka Gaza iyadoo la sii marinayo doomaha uu Mareykanku dhisay sababo la xiriira ammaanka.

Wasiirkii hore ee dagaalka Israa’iil Benny Gantz ayaa isaga tagay dowladdii midnimada ee Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu, isagoo ku eedeeyay inuu ku guul darreystay dagaalka Gaza, wuxuuna ku baaqay doorasho waqtigeeda laga soo hormariyay.

Ugu yaraan 37,124 qof ayaa lagu dilay 84,712 kalena waa lagu dhaawacay dagaalka Israa’iil ee Gaza tan iyo 7-dii October.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here