GAZA (DAYNIILE.COM)-Booliiska Israa’iil ayaa xiray 12 Falastiiniyiin ah oo ku sugnaa Bariga Quddus ee la haysto, kaddib markii ay u dabaaldegayeen sii deynta 110 maxbuus oo Falastiini ah, taasoo qayb ka ahayd heshiiskii xabbad joojinta ee Gaza.
Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga Falastiiniyiinta (UNRWA) ayaa sheegtay in hawlgalladeedu ay ka sii socdaan Bariga Quddus iyo Daanta Galbeed ee la haysto in kasta oo ay bilawday mamnuucidda Israa’iil.
Ciidamada Israel ayaa laba qof oo kale ku dilay xerada qaxootiga ee Jenin maalin kadib markii 10 falastiiniyiin ah lagu dilay duqeyn cirka ah oo ay Israa’iil ka geysatay magaalada Tammum ee dhulka la haysto ee Daanta Galbeed.
Dagaalka Israa’iil ee Qaza waxa lagu dilay ugu yaraan 47,460 falastiiniyiin ah iyo dhaawaca 111,580 tan iyo Oktoobar 7, 2023.
Dhanka kale 1,139 qof ayaa lagu dilay Israa’iil intii lagu jiray weerarradii ay Xamaas hoggaaminaysay maalintaas in ka badan 200 oo qofna waa la qafaashay.
SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM