GAZA (DAYNIILE.COM)-Xafiiska warbaahinta ee xukuumadda Gaza ayaa sheegay in Israa’iil ay fulisay weerarao argagax ah  24-kii saac ee la soo dhaafay iyada oo 34 weerar oo cirka ah ku dishay 71 qof oo rayid ah guud ahaan dhulka Falastiiniyiinta.

Advertisement

Ururka xuquuqul insaanka ee Falastiiniyiinta ee Al-Haq ayaa sheegay in amarada daadgureynta qasabka ah ee Israa’iil ee Gaza loogu talagalay in lagu fududeeyo weerarrada ka dhanka ah dadka deegaanka, oo ay ku jiraan waxa loogu yeero goobo nabdoon.

Qaramada Midoobay ayaa dhaleeceysay beegsiga isbitaallada Gaza, iyadoo sheegtay in xarumaha caafimaadku ay u baahan yihiin in ay ka fogaadaan weerarrada iyo duullaanka militariga.

Dagaalka Israa’iil ee Qaza waxa lagu dilay ugu yaraan 45,581 falastiiniyiin ah iyo dhaawaca 108,438 tan iyo Oktoobar 7, 2023.

Ugu yaraan 1,139 qof ayaa lagu dilay Israa’iil intii lagu jiray weerarradii ay Xamaas hoggaaminaysay maalintaas, in ka badan 200 oo qofna waa la qafaashay.

SOURCE ALJAZEERA

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here