QAZA (DAYNIILE.COM)-Ugu yaraan 44 falastiiniyiin ah ayaa ku dhintay in ka badan 80 kalena waa ay ku dhaawacmeen duqeymo ay Israa’iil ka geysatay waqooyiga Qaza ee Jabalia iyo xeryaha qaxootiga ee Magazi.

Xafiiska ra’iisul wasaaraha Israa’iil ayaa sheegay in guriga Benjamin Netanyahu oo ku yaalla Caesarea, ee waqooyiga Tel Aviv, ay ku dhufatay diyaarad aan duuliye lahayn oo laga soo riday Lubnaan.

Advertisement

Ciidamada Israel ayaa beegsaday cisbitaalada al-Awda iyo Kamaal Adwan ee waqooyiga Qaza.

Xamaas ayaa meesha ka saartay fkirka Yuhuuda aaminsan tahay ee ah in dhimashada Hogaamiyahoodii Yahya Sinwar ay sahleyso in la sii daayo maxabiista Yuhuuda laga haysto, Xamaas waxay  sheegay in maxaabiista Israa’iil aan la sii deyn doonin haddii aan xadgudubka Gaza joogsan, islamarkaana ciidamada Israa’iil ay gebi ahaanba ka bixin  Gaza.

Xamaas waxay intaasi ku dareen inay shuruudahaasi fuliyaan Yuhuuda inay iyaguna sii deyn doonaan maxaabiista balse hadii ay diidaan aysan wax maxaabiis deyn doonin.

Gaza, ugu yaraan 42,519 qof ayaa lagu dilay 99,637 kalena waa lagu dhaawacay weerarrada Israel tan iyo 7-dii Oktoobar, 2023. Ugu yaraan 1,139 qof ayaa lagu dilay weerarrada Xamaas ay ku qaadday Israa’iil Oktoobar 7, 2023, in ka badan 200na waa la qafaashay.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here