Ciidamada Israa’iil ayaa amray in kumanaan Falastiiniyiin ah laga daadgureeyo saddex goobood oo ku yaalla waqooyiga marinka Qaza, taasoo sii kicinaysa cabsida laga qabo duullaanka dhulka lagu hoobto ee soo socda.

Duqeymo dhanka cirka ah oo ay Israa’iil geysatay ayaa ku dhufatay iskuul kale oo ay ku noolaayeen dad rayid ah oo ku barakacay dagaalka, markan waqooyiga magaalada Gaza.

Advertisement

wakaaladda difaaca madaniga ah ayaa sheegtay in yuhuudu dileen  shan qof  oo ay ku jiraan laba carruur ah iyo haweeney – iyo tobanaan kale oo dhaawac ah.

Ugu yaraan 41,182 qof ayaa lagu dilay 95,280 kalena waa lagu dhaawacay dagaalka Israa’iil ee Gaza. Israa’iil, tirada dadka lagu dilay weerarradii ay Xamaas hoggaaminaysay ee dhacay 7-dii Oktoobar ayaa ah ugu yaraan 1,139, halka in ka badan 200 oo qofna la qabtay.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

No description available.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here