QAZA (DAYNIILE.COM)-Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhintay dhowr kalena waa ay ku dhaawacmeen weerar habeen hore ay Israa’iil ku qaadday guri ku yaalla deegaanka Abasan al-Kabira ee bariga Khan Younis, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Wafa.

Milatariga Israel ayaa sheegay in ay baarayaan hadal ka soo baxay garabka hubaysan ee Xamaas oo ku dhawaaqay dhimashada maxbuus Israa’iil ah oo ku sugan Gaza iyo dhaawaca laba kale.

Advertisement

Madaxweynaha Iran Masoud Pezeshkian ayaa sheegay in Maraykanka iyo qaar ka mid ah wadamada reer galbeedka ay ku dhiiri galiyeen Israa’iil in ay sii wado dambiyada ay ka gaysanayso Qaza  sida ay ku warantay wakaalada wararka ee Iran Mehr.

Xamaas ayaa ugu baaqday Mareykanka, Qatar iyo Masar inay soo gudbiyaan qorshe lagu dhaqan gelinayo hindisaha xabbad joojinta ee uu soo jeediyay madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, halkii ay qaban lahaayeen wareegyo badan oo gorgortan ah .

Ugu yaraan 39,897 qof ayaa lagu dilay 92,152 kalena waa lagu dhaawacay dagaalka Israa’iil ee Gaza. Qiyaastii 1,139 qof ayaa lagu dilay Israa’iil intii lagu guda jiray weerarradii ay Xamaas hoggaaminaysay ee dhacay 7-dii October in ka badan 200 oo qofna waa la qafaashay.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here