Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa deegaanka ay saaka waaberigii hore iska caabiyeen weerar ay kooxda Al-Shabaab kusoo qaaday degmada Balcad.

Saraakiisha dowladda ayaa xaqiijiyey in degmada Balcad ay si buuxda ugu sugan yihiin ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka, kuwaas oo ka hortagay isku dayga Al-Shabaab ee dib u qabsashada magaalada.

Advertisement

Dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay, Al-Shabaab ayaa kordhisay isku dayada ay ku doonayso inay dib ugu qabsato deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe.

Si kastaba ha ahaatee, ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa si adag uga hortagay weeraradaas, iyagoo gaarsiiyay kooxda khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Taliska xoogga dalka ayaa sheegay in howlgalada ay sii socon doonaan ilaa laga cirib tirayo haraadiga Al-Shabaab ee gobolka.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey u shaacisay in dagaalladii ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe lagu dilay in ka badan 130 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo isku dayay inay weeraro ku qaadaan deegaanno muhiim ah.

Saraakiisha dowladda ayaa sidoo kale sheegay inay burburiyeen gaadiidkii dagaalka ee kooxda, isla markaana ay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ilaa gobolka laga xoreeyo.

Xaaladda degmada Balcad ayaa haatan degan, waxaana ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay wadaan howlgallo lagu xaqiijinayo amniga, si looga hortago weeraro kale oo ay kooxda Al-Shabaab ku soo qaado deegaannadaas.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here