Waxaa maanta degan xaalada deegaanka Jiicbor ee Galbeedka gobolka Mudug, halkaas oo maalmahii lasoo dhaafay ka dhaceen dagaal beeleedyo khasaare kala duwan geystay.
Dagaalada ayaa ahaa kuwa u dhaxeeyay laba maleeshiyo beeleed oo kasoo kala jeeda maamulada goboleedyada Galmudug iyo Puntland.
Ilaa 11 ruux oo isugu jira labada dhinac ee dagaalamaayay iyo dad shacab ayaa ku dhintay dagaalada, waxaana ku dhaawacmay in ka badan 20 ruux oo kale.
Waxgaradka labada beelood ee dirirtu u dhaxeyso iyo masuuliyiin ka tirsan Galmudug iyo Puntland ayaa wada dadaalo xoogan oo ay ku doonayaan in markale uusan halkaasi ka dhicin dagaal khasaare geysta.
Advertisement
Dagaal beeleedka ka dhacay deegaanka Jiicbor ayaa la tilmaamay inuu yahay mid ka bilaawday muran la xiriira cida maamuleysa deegaankaas oo ay horay marar badan sidaan oo kale ugu dagaalameen labadaan beelood.
Dadkii ka barakacay colaada deegaankaas ayaa si weyn u soo dhaweeyay dadaalada nabadeed ee ka bilaawday Jiicbor ee ku aadan sidii labada dhinacba ugu wada noolaan lahaayeen deegaankaas.
Advertisement