
Duqeymaha Alshabaab iyo madaxdooda ayaa gobolka ka socda 24-kii saac ee ugu dambeysay iyadoo Dowladu adeegsaneyo Diyaarada Drons-ka ee casriga Bayraktar AKINCI taasoo duqeyn ku wada bartilmaameedo qorsheysan oo Alshababaab ka dhan ah.
Wararkii ugu dambeeyay ee laga helaayo Gobolka Shabeelaha dhexe ayaa sheegaya in ciidamacu wadaan howlgallo saf balaaran ah kuwaas oo ka dhan ah Alshabaab waliba meelaha ay ku dambeeyaan.
Saraakiil sar sare oo ka tirsan ciidamada Dowlada sida Taliyaha Milateriga iyo kan ciidamada lugta ayaa hogaaminaya howlgalada halka dhanka Gobolka Hiiraan uu hogaaminayo Taliyaha nabad sugida iyo sirdoonka qaranka.
laba maalin ka hor ayay ahayd markii Dowlada Somalia ay soo bandhigtay liiska saraakiil sar sare oo Alshabaab looga dilay duqeymaha ku socda meelaha ay kaga sugan yihiin Gobolka Shabeelaha dhexe halka hada uu ka socdo dagaalada ugu badan.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM


DAYNIILE.COM


