GAZA (DAYNIILE)-Ciidamada Israa’iil ayaa maalmihii la soo dhaafay duqeeyay hoyga sagaalaad ee dugsiga oo ku yaalla marinka Qaza, iyo sidoo kale kaamam ay barakacayaal ku noolayeen waxaana ka dhashay dhimaso badan.

Weerarka Iskuulada ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan labo Falastiini ah oo halkaasi gabaad ka dhiganayay iyo dad kale oo gudaha ku barakacay.

Advertisement

Sidoo kale Warbaahinta Aljazeera waxay sheegtay  in ugu yaraan shan qof ay dhinteen kadib markii ciidamada Israel ay duqeeyeen guri ku yaala xerada Bureij ee bartamaha marinka Qaza.

Weerarka ayaa waxaa xigay duqeyn ay ku dhinteen ugu yaraan 8 qof oo ku dhacay xerada qaxootiga ee Nuseirat oo ku dhow, xasuuqaan ayaa ah mid maalin kasta iyo habaan kasta dhaca duniduna ay iska fiirsaneyso.

Dhanka kale Duqeymaha Israa’iil ayaa lagu dilay 24 saac gudahooda taliye labaad oo ka tirsan ururka Xisbullah, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay kooxda Lubnaan iyo ciidamada Israa’iil. Israa’iil ayaa sidoo kale maalintii u dambaysay ku dishay dalka Lubnaan taliye sare oo ka tirsan kooxda hubaysan ee isbahaysiga Xamaas.

Si kastaba Ugu yaraan 38,848 qof ayaa lagu dilay 89,459 kalena waa lagu dhaawacay dagaalka Israa’iil ee Gaza. Dhimashada Israa’iil ee ka dhalatay weerarradii ay Xamaas hoggaaminaysay ee dhacay 7-dii Oktoobar ayaa lagu qiyaasay 1,139, iyadoo tobanaan qof weli lagu haysto Qaza.

SOURCE ALJAZEERA

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here