Dagaal-yanada hubaysan ee Xisbullah ayaa sheegtay inay guul ka gaareen ciidammada Israa’iil iyo in dagaalyahannadooda ay weli diyaar u yihiin inay sii dagaalamaan kana hor tagaan ciidamada Israa’iil ee ku jira qeybo ka mida Koofurta Lubnaan.
Warka Xisbullah ayaa ku soo aadaya shacabkii Lubnaan ku laabanayaan guryahoodii ay ka qaxeen kadib markii talaadadii heshiis kala saxiixdeen Lubnaan iyo Israa’iil.
Xisbullah Heshiiska waxbay kala socotaa oo raali bay ka yihiin inkastoo caga badan uusan ku taagneyn xili reer galbeedku taageersan yihiin heshiiska la gaaray.
Militariga Israa’iil ayaa bandow habeenkii ah saaray koonfurta Lubnaan, iyaga oo uga digay dadka u safridda koonfurta wabiga Litani ay , bandowga ayaa soconaya illaa 7-da subaxnimo xilliga maxalliga ah.
Dhanka kale Israa’iil ayaa wali sidii u wada Duqeymaha culus ee ay ku wado dadka rayidka ah ee Falastiiniyiinta ee weli ku go’doonsan waqooyiga marinka Qaza, sida uu sheegay Sarkaal sare oo ka tirsan UNRWA.
Xasuuqa Israa’iil ee Gaza ayaa lagu dilay ugu yaraan 44,282 falastiiniyiin ah iyo dhaawaca 104,880 kale tan iyo Oktoobar 7, 2023. Ugu yaraan 1,139 qof ayaa lagu dilay Israa’iil intii lagu jiray weerarradii ay Xamaas hoggaaminaysay maalintaas, in ka badan 200 ayaa la qabtay.
Lubnaan, ugu yaraan 3,823 qof ayaa lagu dilay 15,859 kalena waa lagu dhaawacay weerarrada Israa’iil tan iyo markii uu billowday dagaalka Gaza.
SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM