Ciidamada Israel ayaa duqeeyay lix dhismo oo ku yaala Beit Lahiya oo ku taal waqooyiga Gaza, halkaasi oo ay ku dileen ugu yaraan 45 qof.
Golaha Xiriirka Islaamka ee Maraykanka (CAIR) ayaa ugu baaqay Maraykanka inuu joojiyo “dabar-goynta joogtada ah ee dhammaan shacabka” ee ku sugan dhulka Falastiiniyiinta.
Ciidamada Israel ayaa sidoo kale duqeymo dhanka cirka ah ku qaaday deegaan Magaalada Beyruut dhanka koonfureed ka xiga ka dib markii ay uga digeen dadka degan dhowr xaafadood oo halkaasi ku yaala in ay ka baxaan guryahooda.
Madaxweynaha Iran Masoud Pezeshkian ayaa u tacsiyeeyay afar askari oo lagu dilay weerarrada Israel ee ka dhacay Iran Sabtidii.
Tehran waxay ku adkaysanaysaa in weerarku sababay khasaare xaddidan.
Gaza, ugu yaraan 42,847 qof ayaa lagu dilay 100,544 kalena waa lagu dhaawacay weerarrada Israa’iil tan iyo 7-dii Oktoobar, 2023. Qiyaastii 1,139 qof ayaa lagu dilay Israa’iil intii ay socdeen weerarrada ay Xamaas hormuudka ka tahay, in ka badan 200 oo qofna waa la qafaashay.
SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM