Weerar Israa’iili ayaa ka dhacay badhtamaha magaalada Beirut ee dalka Lubnaan, meel ka baxsan xaafadaha koonfureed ee magaalada halkaas oo weerarradu ay ka dhacaan, waxaana ku dhintay ugu yaraan 18 qof, waxaana ku dhaawacmay 92 kale.

Weerar ay Israa’iil ku qaadday xarun dugsi oo ku taal bartamaha Qaza ayaa dilay ugu yaraan 28 qof tiro intaas ka badanna way ku dhaawacmeen, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka.

Advertisement

UNIFIL ayaa sheegtay in ciidamada Israa’iil ay dhowr jeer rasaas ku fureen fariisimo ay ku leeyihiin koonfurta Lubnaan, halkaas oo ay ku dhaawacmeen laba ka mid ah ciidamada nabad ilaalinta.

Ciidamada Israel ayaa afar falastiiniyiin ah ku dilay Khan Younis halka saddexna ay ku dileen xerada qaxootiga ee Jabalia iyadoo go’doomin ay Qaramada Midoobay ku qasabtay inay albaabada isugu dhufato iskuulada iyo isbitaalada ku yaala waqooyiga Qaza oo galay maalintii lixaad.

Gaza, ugu yaraan 42,065 qof ayaa lagu dilay 97,886 waa lagu dhaawacay weerarrada Israa’iil tan iyo bishii Oktoobar 2023. Israa’iil, ugu yaraan 1,139 qof ayaa lagu dilay weerarrada ay Xamaas hormuudka ka tahay Oktoobar 7, 2023, in ka badan 200 oo qofna waa la qafaashay.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here