Diyaaradaha Israa’iil ayaa duqeymo aan kala joogsi lahayn ka wada Lubnaan, oo ay ku jiraan agagaarka caasimadda Beirut, iyadoo ra’iisul wasaaraha uu sheegay in weerarrada ay ku barakici karaan illaa hal milyan oo qof.

Israa’iil ayaa sheegtay in ‘in ka badan 20’ xubnood oo ka tirsan Xisbullah lagu dilay isaga iyo madaxii Hezbollah Nasrallah Jimcihii.
Weerar kale oo Israa’iil ay ku qaaday hoyga Iskuulka Qaza ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan afar falastiiniyiin ah, qaar badana waa ay ku dhaawacmeen.

Advertisement

Ciidamada cirka ee Israel ayaa bartilmaameedsaday warshad koronto iyo deked ku taal magaalada Xudeydah ee dalka Yemen.

Gaza, ugu yaraan 41,595 qof ayaa lagu dilay 96,251 waa lagu dhaawacay weerarrada Israel tan iyo bishii Oktoobar. Israa’iil, tirada lagu dilay weerarradii ay Xamaas hoggaaminayeen ee dhacay 7-dii Oktoobar ayaa ah ugu yaraan 1,139, halka in ka badan 200 oo qofna maxaabiis ahaan loo qabtay.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

No description available.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here