GAZA (DAYNIILE.COM)-Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan gargaarka bini’aadantinimo ayaa sheegtay in boqolaal Falastiiniyiin ah ay weli ku go’doonsan yihiin bariga Khan Younis iyada oo ay jiraan colaado xooggan, kooxaha samatabbixintana aysan awoodin inay gaaraan madaama ciidaamada Yuhuudu ogoleyn.

Iyada oo ay jirto gaajo iyo cabsi laga qabo faafitaanka cudurrada, ayaa hadana waxaa hoos u dhacay 56 boqolkiiba baabuurta xamuulka ee sida gargaarka bini’aadantinimo kuwaasoo tagi lahaa  Marinka Gaza tan iyo bishii Abriil,sida uu sheegay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Isku-dubarid Arrimaha Bani’aadamnimada.

Advertisement

Dadka ayaa ku xayiran Khan Younis ku dhawaad ​​hal usbuuc iyaga oo aan haysan cunto, biyo ama qaab ay uga baxaan iyadoo duqeymo cusub oo cirka ah oo Israel ay ku dishay 18 ruux sida uu soo shaagey weriyaha Aljazeera.

Dhexdhexaadiyeyaasha Masar, Qatar iyo Mareykanka ayaa la filayaa inay Axadda la kulmaan wada-xaajoodyada Israel caasimadda Talyaaniga ee Rome, dadaalladii ugu dambeeyay ee xabbad-joojinta Gaza, ayaa socota.

Ugu yaraan 39,175 qof ayaa lagu dilay 90,403 kalena waa lagu dhaawacay dagaalka Israa’iil ee Gaza. Dhimashada Israa’iil ee weeraradii ay Xamaas hoggaaminayeen ee dhacay 7-dii Oktoobar ayaa lagu qiyaasay 1,139 iyadoo tobanaan qof weli lagu haysto Gaza.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here