Duqeymo dhanka cirka ah oo Israel ay ka geysatay deegaanada Dahiyeh, Haret Hreik, iyo Chiyah ee duleedka koonfureed ee Beirut maalintii shanaad oo xiriir ah duqeymo culus oo ka dhacayay caasimada Lubnaan.

Diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ee Israa’iil ayaa ku dishay laba ka mid ah shaqaalaha caafimaadka ee koonfurta gobolka Nabatieh ee koonfurta Lubnaan iyada oo ay caradu cirka isku shareertay ka dib markii ugu yaraan 12 samatabbixiye ay ku dhinteen weerar cirka ah oo lagu qaaday xarun difaaca madaniga ah.

Advertisement

Weerarada ayaa waxaa ku dhintay 59 qof 182 kalena waa ay ku dhaawacmeen gudaha Lubnaan 24-kii saac ee lasoo dhaafay, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka Lubnaan.

Xasuuqa Israa’iil ee Gaza ayaa dilay ugu yaraan 43,799 falastiiniyiin ah, waxaana lagu dhaawacay 103,601 tan iyo Oktoobar 7, 2023. Qiyaastii 1,139 qof ayaa lagu dilay Israa’iil intii lagu jiray weerarradii ay Xamaas hoggaaminaysay maalintaas, in ka badan 200 ayaa la qabtay.

Lubnaan, ugu yaraan 3,452 qof ayaa lagu dilay 14,599 kalena waa lagu dhaawacay weerarrada Israa’iil tan iyo markii uu billowday dagaalka Gaza.
SOURCE ALJAZEERA

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

No description available.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here