QAZA B(DAYNIILE.COM)-Ciidamada Israel ayaa weli sii wada duqeymaha ay ku garaacayaan Qaza, iyagoo duqeeyay dhismo ay degan yihiin oo u dhow cisbitaalka la go’doomiyay ee Kamaal Adwan ee waqooyiga Beit Lahiya waxayna dileen ugu yaraan sideed Falastiiniyiin ah oo barakacayaal ah.
Xamaas ayaa sheegtay in heshiis xabbad joojin ah uu suurtagal yahay haddii Israa’iil ay joojiso shuruudo cusub, halka wasiirka gaashaandhigga Israa’iil uu sheegay in heshiisku ka dhow yahay sidii hore.
Ciidamada Israa’iil ayaa gawaadhida walxaha qarxa ku soo raray agagaarka cisbitaalka Kamaal Adwaan, waxa ay burburiyeen dhismayaal ka agdhawaa goobta caafimaadka, sidoo kale waxa ay burburiyeen dhismayaal ka agdhawaa goobta caafimaadka, sidoo kale waxa ku dhaawacmay dad bukaan ah.
Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan bini’aadantinimada (OCHA) ayaa sheegtay in mas’uuliyiinta Israa’iil ay wali “si xad dhaaf ah” u diidayaan howlgallada gargaarka ee Waqooyiga Gaza, oo ay ku jiraan saddex kolonyo gargaar oo siday cunto iyo biyo oo dib loo celiyay Talaadadii.
Dagaalka Israa’iil ee Qaza waxa uu dilay ugu yaraan 45,059 falastiiniyiin ah iyo dhaawaca 107,041 tan iyo Oktoobar 7, 2023. Ugu yaraan 1,139 qof ayaa lagu dilay Israa’iil intii lagu jiray weerarradii ay Xamaas hoggaaminaysay maalintaas, in ka badan 200 oo qofna waa la qafaashay.
SOURCE ALJAZEERA
DAYNIILE.COM