HomeWarkiiWararkii ugu dambeeyay ee xaalada Gaza

Wararkii ugu dambeeyay ee xaalada Gaza

No description available.QAZA (DAYNIILE.COM)-Ciidamada Israel ayaa sii wada duqeymaha ay ku hayaan dadka barakacayaasha ah, maalin kadib markii ay ku dileen ugu yaraan 54 falastiiniyiin ah guud ahaan marinka Qaza.

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa ballan qaaday in uu xoojin doono dagaalka Gaza ka dib markii Xamaas ay diiday soo jeedinta Israa’iil ee xabbad joojin ku meel gaar ah. Kooxda falastiiniyiinta ayaa dalbanaysa heshiis lagu soo afjarayo dagaalka si loo sii daayo maxaabiista hadhay.

Dhanka kale, Xamaas ayaa sheegtay inaan la ogeyn halka uu ku dambeyn doono maxbuus u dhashay Israa’iil-Mareykan oo lagu magacaabo Edan Alexander, kaddib markii dagaalyahannadooda ay soo furteen meydka askarigii ilaalinayay.

Wasaaradda caafimaadka ee Gaza ayaa sheegtay in ugu yaraan 51,201 falastiiniyiin ah la xaqiijiyay in ay dhinteen 116,869 ay ku dhaawacmeen dagaalka Israa’iil ee Gaza tan iyo markii uu billowday 18 bilood ka hor.

Xafiiska warbaahinta ee xukuumadda Gaza ayaa cusboonaysiiyay dhimashadeeda in ka badan 61,700, isaga oo sheegay in kumannaan qof oo lagu la’yahay burburka hoostiisa loo malaynayo inay dhinteen.

Ugu yaraan 1,139 qof ayaa lagu dilay Israa’iil intii lagu guda jiray weerarradii ay Xamaas hoggaaminaysay Oktoobar 7, 2023, in ka badan 200 oo qofna waa la qafaashay.

SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -