GAZA (DAYNIILE.COM)-Tobaneeyo Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay mowjado weeraro ah oo Israa’iil ay ku qaaday xerada qaxootiga ee Nuseirat iyo goobo kale oo Gaza ku yaalla oo dhan fiidnimadii xalay iyo subaxnimadii Saaka, sida ay wararku sheegayaan.
Wadamada caalamka ayaa ka falceliyay go’aanka maxkamada caalamiga ah ee cadaalada (ICJ) ee ah in qabsashada Israel ee dhulka falastiin ay tahay mid xad gudub ku ah sharciga caalamiga ah ayna waajib tahay in lasoo afjaro.
Kooxda u dooda Oxfam iyo kooxda xuquuqda aadanaha ee fadhigeedu yahay magaalada Quddus ee B’Tselem ayaa soo jeediyeen in beesha caalamku ay ku qasbaan Israa’iil inay joojiso qabsashada iyo xasuuqa shacabka.
Saraakiisha Israa’iil ayaa diiday go’aanka ICJ iyagoona ku sheegay mid aan sharciga ahayn, halka Israa’iiliyiinta la dejiyay ay weerarro ku qaadaan Falastiiniyiinta iyo hantidooda magaalooyinka iyo tuulooyinka la haysto ee Daanta Galbeed.
Ugu yaraan 38,848 qof ayaa lagu dilay 89,459 kalena waa lagu dhaawacay dagaalka Israa’iil ee Gaza. Dhimashada Israa’iil ee ka dhalatay weerarradii ay Xamaas hoggaaminayeen ee dhacay 7-dii Oktoobar ayaa lagu qiyaasay 1,139 iyada oo daraasiin dad ah weli lagu haysto Qaza.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM