HomeWarkiiWararkii ugu dambeeyay ee xaalada Gaza

Wararkii ugu dambeeyay ee xaalada Gaza

GAZA (DAYNIILE.COM)-Xamaas ayaa dhaleeceysay hadal ka soo yeeray Mareykanka kaas oo ku andacoonaya inay u adeegsato ambalaasyada dagaalka ay kula jirto ciidamada yuhuuda.

Madaxweynaha Ururka Bisha Cas ee Falastiin ayaa ku baaqay baaritaan caalami ah oo madax banaan oo ku saabsan dilkii ula kac ahaa ee lYuhuudu u geysatay  15 shaqaale bini’aadantinimo bishii hore weerar ay ku qaadeen Gaza.

Israa’iil ayaa duqaymo ku garaacday Qaza, iyadoo duqeysay teendho ay ku jireen saxafiyiin u dhow isbitaalka Nasser ee Khan Younis, halkaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan laba qof sagaal kalena ay ku dhaawacmeen.

Wasaaradda caafimaadka ee Gaza ayaa sheegtay in ugu yaraan 50,695 Falastiiniyiin ah la xaqiijiyay in ay dhinteen 115,338 ay ku dhaawacmeen dagaalka Israa’iil ee Gaza. Xafiiska Warbaahinta ee Dowladda ayaa dhimashadiisa ka dhigay in ka badan 61,700, iyadoo sheegtay in kumannaan qof oo lagu la’yahay burburka hoostiisa loo maleynayo inay dhinteen.

Ugu yaraan 1,139 qof ayaa lagu dilay Israa’iil intii lagu guda jiray weerarradii ay Xamaas hoggaaminaysay 7-dii Oktoobar 2023 in ka badan 200 oo qofna waa la qafaashay.

SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -