Ciidamada Israa’iil ayaa ugu yaraan shan Falastiiniyiin ah ku dilay weerar ay ku qaadeen Iskuulka Salax al-Diin ee magaalada Gaza oo ay gabaad ka dhigteen dad si qasab ah ku barakacay.
33 Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay Qaza tan iyo waaberigii Isniintii, sida ay ku warantay Aljazeera Carabiga, oo soo xiganaysa ilo caafimaad.
Weeraradii ugu dambeeyay ayaa yimid iyadoo go’doominta Israa’iil ee waqooyiga Gaza ay dhaaftay 100-maalmood, iyadoo saraakiisha Falastiiniyiinta ay sheegeen in ilaa 5,000 oo qof la dilay ama la la’yahay tan iyo markii uu billowday duullaanka.
Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa dhanka kale carabka ku adkeeyay baahida loo qabo xabbad joojin degdeg ah oo uu la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, iyadoo wada-xaajoodyadu ay ka socdaan caasimadda Qatar ee Dooxa.
Xasuuqa Israel ee Gaza waxa ku dhintay ugu yaraan 46,584 falastiiniyiin ah iyo dhaawaca 109,731 tan iyo October 7, 2023.
Ugu yaraan 1,139 qof ayaa lagu dilay Israa’iil intii lagu jiray weeraradii ay Xamaas hogaaminaysay maalintaas in ka badan 200 oo qofna waa la qafaashay.
SOURCE ALJAZEERA
XAIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM