Ugu yaraan 150 qof ayaa lagu dilay laba maalmood oo duqeymo xooggan oo xagga cirka ah lagu qaaday Qaza, oo ay ku jiraan ugu yaraan 73 qof ayaa la sheegay in la dilay Jimcihii , 77 kalena la xaqiijiyay in la dilay Khamiistii.
Amnesty International waxa ay sheegtay in xadhiga Israel ee agaasimaha Cisbitaalka Kamaal Adwan Dr Hussam Abu Safiya ay astaan u tahay ujeeddada xasuuqa ee isku dayga ballaaran ee Israel ay ku doonayso inay ku baabi’iso waaxda daryeelka caafimaadka ee Gaza.
Iyadoo ay dib uga bilowdeen wadahadalada Dalka Qatar, sarkaal sare oo ka tirsan Xamaas Basem Naim ayaa sheegay in kooxda Falastiin ay dhab ka tahay heshiis xabad joojin ah, ka bixitaanka ciidamada Israel ee Qaza, iyo in dadka go’doonsan dib loogu celiyo guryahooda.
Madaxa xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay Volker Turk ayaa sheegay in hay’adda adduunka ay diiwaangelisay 136 weerar oo Israa’iil ah oo lagu qaaday 27 xarumo caafimaad oo ku yaal Gaza, kuwaas oo sababay “dhimasho iyo burbur weyn”.
Dagaalka Israa’iil ee Qaza waxa uu dilay ugu yaraan 45,658 falastiiniyiin ah iyo dhaawaca 108,583 tan iyo Oktoobar 7, 2023.
Ugu yaraan 1,139 qof ayaa lagu dilay Israa’iil intii lagu jiray weerarradii ay Xamaas hoggaaminaysay maalintaas in ka badan 200 oo qofna waa la qafaashay.
SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARAKA
DAYNIILE.COM