GAZA (DAYNIILE.COM)-Ciidamada Israel ayaa sii wada weerarada ay ku hayaan cisbitaalka Kamaal Adwan ee ku yaala waqooyiga Gaza ee go’doonsan, iyagoo qarxiyay baabuur meelaha fog laga hago,

Waxaa ku dhaawacmay ugu yaraan 20 bukaan iyo shaqaale caafimaad.

Advertisement

Bartamaha Deir el-Balah, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Israa’iil ayaa weerar ku qaaday kolonyo gargaar u siday falastiiniyiin gaajeysan, waxaana lagu dilay afar ilaalo ah, taasoo tirada dhimashada weerarrada Israa’iil ka dhigtay 26 qof.

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa u sheegay baarlamaanka in horumar laga sameeyay heshiiska lagu gaarayo xabbad-joojin iyo maxaabiis is dhaafsi si xor ah, aakiin ma sheegin waqti cayiman.

Dagaalka Israa’iil ee Qaza waxa lagu dilay ugu yaraan 45,317 falastiiniyiin ah, waxaana ku dhaawacmay 107,713 tan iyo Oktoobar 7, 2023.

Sidoo kale Ugu yaraan 1,139 qof ayaa lagu dilay Israa’iil intii lagu jiray weerarradii ay Xamaas hoggaaminaysay maalintaas, in ka badan 200 oo qofna waa la qafaashay.

SOURCE ALJAZEERA

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here