Ciidamada Israa’iil ayaa weeraro dheeraad ah ku qaaday cisbitaalka Kamaal Adwan ee ku yaalla waqooyiga Gaza ee go’doonsan, ka dib markii ay ku amreen dadka gudaha iyo kuwa ku dhow xarunta in ay isaga guuraan. Wariyeyaasheena ayaa sheegaya in isbitaalka Al-cawda ee ku dhow uu sidoo kale la weeraray.

Ciidamada Israel ayaa sidoo kale duqeeyay guri kale oo gabaad ka dhigtay waqooyiga magaalada Gaza, halkaas oo ay ku dileen ugu yaraan 8 falastiiniyiin ah. Sagaal qof oo kale, oo ay ku jiraan afar carruur ah, ayaa la sheegay in lagu dilay weeraro kala duwan oo ka dhacay waqooyiga Qaza.

Advertisement

Milateriga Mareykanka ayaa weeraray caasimadda Yemen ee Sanca, saacado kadib markii gantaalka Xuutiyiinta uu ku dhacay deegaanka Tel Aviv-Jaffa ee Israa’iil, kaasoo sababay “dhaawac fudud” ugu yaraan 14 qof.

Pope Francis ayaa ku tilmaamay dilka Israa’iil ee carruurta Gaza “arxan darro… ma aha dagaal” khudbadiisa Christmas-ka, isagoo jawaab cadho leh ka bixiyay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Israa’iil.

Dagaalka Israa’iil ee Qaza waxa uu dilay ugu yaraan 45,227 falastiiniyiin ah, waxaana ku dhaawacmay 107,573 tan iyo Oktoobar 7, 2023. Ugu yaraan 1,139 qof ayaa lagu dilay Israa’iil intii lagu jiray weerarradii ay Xamaas hoggaaminaysay maalintaas, in ka badan 200 oo qofna waa la qafaashay.

                                                                     SOURCE ALJAZEERA

XAFIISKA WARARA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here