QAZA (DAYNIILE.COM)-In ka badan 20 qof, oo ay ku jiraan lix carruur ah iyo shan dumar ah, ayaa lagu dilay duqeymo ay Israa’iil ka geysatay xerada qaxootiga ee Nuseirat ee bartamaha Gaza, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Wafa.
Hay’adda difaaca madaniga ah ee Gaza ayaa sheegtay in cisbitaalka Indonesian uu la kulmay weerar ay Israa’iil ku qaadday waqooyiga Gaza ee Beit Lahiya halkaas oo la sheegay in ugu yaraan 29 qof lagu dilay weerarro cirka ah oo lala beegsaday iyo agagaarka cisbitaalka Kamaal Adwan.
Weriyaha Aljazeera ee Gaza ayaa soo sheegaya in taangiyada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Israa’iil ee ka hawlgala agagaarka Kamaal Adwan ay tooganayaan shay kasta oo dhaqaaqa, hadday tahay gudaha cisbitaalka ama meel u dhow.
Dagaalka Israa’iil ee Qaza waxa uu lagu dilay ugu yaraan 44,612 falastiiniyiin ah, waxaana ku dhaawacmay 105,834 tan iyo Oktoobar 7, 2023. Ugu yaraan 1,139 qof ayaa lagu dilay Israa’iil intii lagu jiray weerarradii ay Xamaas hoggaaminaysay maalintaas, in ka badan 200 oo qofna waa la qafaashay.
Lubnaan, ugu yaraan 4,047 qof ayaa lagu dilay 16,638 kalena waa lagu dhaawacay weerarrada Israa’iil tan iyo markii uu billowday dagaalka Gaza.
SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM