Wasaaradda caafimaadka ee Gaza ayaa sheegtay in weerarrada Israa’iil ay ku qaaday deegaankaas ay ku dhinteen 48 falastiiniyiin ah ayna ku dhaawacmeen 201 ka mid ah 24-kii saac ee ugu dambeeyay.

Ciidamada Israel ayaa mar kale duqeeyay waxa loogu yeero “aagga nabdoon” ee Qaza ee al-Mawasi, halkaas oo ay ku dileen ugu yaraan 21 qof ayna ku dhaawacmeen tobanaan kale, sida uu sheegay Atif al-Hout, oo ah agaasimaha cisbitaalka Nasser ee ku dhow Khan Younis.

Advertisement

“Wariyeyaasheena ayaa sheegaya in haween iyo caruur lagu gubay weerarka”ayaa lagu yiri war Aljazeera ka baxay

Ciidamada Israa’iil ayaa sii wada duqeymaha dhanka cirka ah ee ay ka geysanayaan koonfurta Lubnaan inkastoo ay heshiis xabad joojin ah la galeen Xisbullah, iyaga oo sheegay in weerar ay ku qaadeen waxa ay ugu yeereen goob laga soo furto aagga Majdal Zoun.

Xasuuqa Israa’iil ee Gaza ayaa dilay ugu yaraan 44,580 falastiiniyiin ah iyo dhaawaca 105,739 tan iyo Oktoobar 7, 2023. Ugu yaraan 1,139 qof ayaa lagu dilay Israa’iil intii lagu jiray weerarradii ay Xamaas hoggaaminaysay maalintaas, in ka badan 200 oo qofna waa la qafaashay.

Lubnaan, ugu yaraan 4,047 qof ayaa lagu dilay 16,638 kalena waa lagu dhaawacay weerarrada Israa’iil tan iyo markii uu billowday dagaalka Gaza.

SOURCE ALJAZEERA

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here