QAZA (DAYNIILE.COM)-Afhayeen u hadlay Qaramada Midoobay Stephane Dujarric ayaa sheegay in weerarka dhulka ee Israa’iil ku qaaday xaafadda Shujayea ee Gaza uu ku qasbay in ay barakacaan ugu yaraan 60,000 oo dadka deggeanka ahaa.

Sidoo kale Ciidamada Yuhuudu weerartay ayaa hawlgalo milatari waxay  ka wadaan aagga al-Mawasi ee koonfurta Gaza taasoo iyana sababtay  inay barakacaan 5,000 oo qof.

Advertisement

Dhanka kale Lix qof, oo ay ku jiraan afar carruur ah, ayaa ku dhintay, ugu yaraan 15 kalena way ku dhaawacmeen weerarro ay ciidammada Israa’iil xalay ku qaadeen guryo la deggan yahay oo ku yaalla magaalada Gaza.

Khasaaro dhimasho iyo dhaawac ayaa sidoo kale laga soo sheegay weerar lagu qaaday xerada qaxootiga ee Maghazi ee bartamaha Gaza, sida ay ku warantay Falastiiniyiinta Wafa.
Afar askari oo Israa’iili ah ayaa lagu soo warramayaa in lagu dilay xaafadda Shujayea, shan kalana lagu dhaawacay, iyadoo kooxaha hubeysan ee Falastiiniyiinta ay sheegeen in ay dagaallo afar geesood ah kula jiraan ciidammada Israa’iil ee ku sugan deegaankaas.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga falastiiniyiinta ayaa sheegtay in dadka Gaza ku nool ay ku nool yihiin dhismayaal la duqeeyay iyo xeryo teendho ah oo ku ag yaal tuulo qashinka wasakhaysan, xaaladaha lagu tilmaamay “aan loo dulqaadan karin” iyadoo gaajo ay sii kordhayso lagana cabsi qabo in cudurku sii kordhaan.

Ugu yaraan 37,765 qof ayaa lagu dilay 86,429 kalena waa lagu dhaawacay dagaalka Israa’iil ee Gaza tan iyo 7-dii October.

XAFIISKA WARARKA 
DANIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here