GAZA (DAYNIILE.COM)-U dirida gargaarka Gaza aad ayay uga adag tahay sidii hore iyadoo waqooyiga ku dhawaad ​​gabi ahaanba la gooyay sida ” fowdo, rafaad, rajo xumo, dhimasho, burbur, barakac” ayaa hareeyay dhulka Falastiin, sarkaal ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa sidaas yidhi.
Milateriga Israa’iil ayaa soo saaray dhowr amarro daad-gureyn ah oo ku wajahan xaafadaha koonfureed ee Beirut oo ay si degdeg ah u daba socdeen weerarro xagga cirka ah oo lagu qaaday Lubnaan.
Ugu yaraan 28 falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay Gaza 120 kalena waa lagu dhaawacay 24-kii saac ee lasoo dhaafay, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka.
Xasuuqa Israel ee Gaza waxa ku dhintay ugu yaraan 43,764 falastiiniyiin ah iyo dhaawaca 103,490 tan iyo October 7, 2023. Qiyaastii 1,139 qof ayaa lagu dilay Israa’iil intii lagu jiray weeraradii ay Xamaas hogaaminaysay maalintaas, in ka badan 200 oo qofna waa la qafaashay.
Dalka Lubnaan, ugu yaraan 3,445 qof ayaa lagu dilay 14,599 kalena waa lagu dhaawacay weerarrada Israa’iil tan iyo markii uu billowday dagaalka Gaza.
                                   SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM