QAZA (DAYNIILE.COM)-Mas’uul ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa sheegay in carruurta Falastiiniyiinta “ay bixinayaan qiimaha ugu badan” iyadoo Gaza ay soo food saartay gabaabsi gargaar bini’aadinimo oo halis ah iyo sare u kaca nafaqo-xumada.
Ilo caafimaad ayaa Aljazeera u sheegay in ciidamada Israel ay 18 qof oo Falastiiniyiin ah ku dileen bartamaha iyo koonfurta Qaza ilaa saaka aroortii iyadoo Israa’iil ay amartay in la daadgureeyo dad badan.

Aqalka Cad ayaa sheegay in wadahadallada Qaahira ee looga golleeyahay in lagu gaaro xabbad-joojin Gaza ay ahaayeen “wax dhisaya” laakiin dhammaan dhinacyada waa in ay isu yimaadaan si loo fuliyo heshiiska la soo jeediyay.

Advertisement

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga Falastiin ayaa xaqiijisay in ilmo 10-bilood jir ah oo Gaza ku nool uu hadda naafo ka noqday cudurka dabaysha – kiiskii ugu horreeyay ee ka dhaca deegaankaas in ka badan 25 sano.

Ugu yaraan 40,265 qof ayaa lagu dilay 93,144 kalena waa lagu dhaawacay dagaalka Israa’iil ee Gaza. Qiyaastii 1,139 qof ayaa lagu dilay Israa’iil intii lagu guda jiray weerarradii ay Xamaas hoggaaminaysay ee dhacay 7-dii October in ka badan 200 oo qofna waa la qafaashay.

SOURCE ALJAZEERA

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here