QAZA (DAYNIILE.COM)-In ka badan 100 qof ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhinteen tobanaan kalena ay dhaawacmeen kadib markii gantaallada Israa’iil ay burburiyeen dugsiga al-Tabin oo ku yaalla degaanka Daraj ee magaalada Gaza.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga falastiiniyiinta (UNRWA) ayaa sheegtay in milatariga Israa’iil ay ku qasbeen inta u dhaxaysa 60,000 iyo 70,000 oo qof inay ka daadgureeyaan Khan Younis ee koonfurta Qaza, una sii jeedeen aagga al-Mawasi oo markii horeba dadku aad u badnaa.

Advertisement

Ugu yaraan 35 ayaa ku dhintay weerarradii ugu dambeeyay ee Israa’iil ku qaaday Marinka Gaza, oo ay ku jiraan 19 ka dhacay Khan Younis, sida ay ilo-wareedyo caafimaad u sheegeen wariyaha Aljazeera ee Carabiga.

Washington ayaa siinaysa Israa’iil $3.5bn si ay ugu kharash garayso hubka iyo qalabka milatariga Maraykanka iyadoo gobolka uu qarka u saaran yahay iskahorimaadyo suurtagal ah ka dib dilkii Israa’iil u geysatay hoggaamiyihii Xamaas ee Tehran iyo taliyihii Hezbollah ee Beirut.

Ugu yaraan 39,699 qof ayaa lagu dilay 91,722 kalena waa lagu dhaawacay dagaalka Israa’iil ee Gaza. Qiyaastii 1,139 qof ayaa lagu dilay Israa’iil intii lagu guda jiray weerarradii ay Xamaas hoggaaminaysay ee dhacay 7-dii October in ka badan 200 oo qofna waa la qafaashay.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here