Maamulka cusub ee Suuriya ayaa u dhaqaaqay si uu u soo dhiso dowlad, waxaana la filayaa in uu ku dhawaaqo madaxa kala guurka.
Xoogaga mucaaridka ee afgambiyey Bashaar Al-asad ayaa sheegay inay cafis u fidinayaan dhammaan askarta milatariga ah ee loo soo xeraystay taliskii hore.
Kooxaha gurmadka iyo qaraabada dadka la la’yahay ayaa eheladooda ka baadigoobaya xabsiga caanka ah ee Sednaya ee magaalada Dimishiq kadib markii ay burburtay dowladda Al-Asad.
Kremlin ayaa xaqiijisay in al-Asad uu magangalyo ka helay Ruushka ka dib markii uu ka soo cararay biriq ay ku dhaqaaqeen xoogaga mucaaradka.
Israa’iil ayaa sheegtay in ay “qabsatay” dhul ku yaalla dhulka ay Suuriya ka taliso ee buuraleyda Golan Heights, ayna duqeeyeen goobaha hubka ee dalkaas.
Khudbadiisii ugu horeysay tan iyo markii uu qabsaday Dimishiq, Axmad al-Sharaa, oo sidoo kale loogu yeero al-Julani, hogaamiyaha Hayat Tahrir al-Sham, wuxuu sheegay in dhicitaanka al-Assad ay bilow u tahay “taariikh cusub” gobolka.
SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM