Ugu yaraan siddeed qof ayaa lagu dilay tobanaan kalena waa lagu dhaawacay weerar ay Israa’iil ku qaadday xaafadda koonfureed ee Beirut, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Lubnaan.

Wakaaladda Wararka Qaranka Lubnaan ayaa sheegtay in shan carruur ah ay ka mid yihiin dadkii ku dhintay weerarka ka dhacay dhismo ku yaalla caasimadda Lubnaan.

Advertisement

Ururka Xisbullah ayaa sheegay in ugu yaraan 140 gantaal ay ku rideen Israa’iil, kaddib markii ay Israa’iil weerartay koonfurta Lubnaan.

Xiisadan ayaa timid maalmo kadib markii aaladaha isgaarsiineed ee bilaa-waayirka ah ay ku qarxeen guud ahaan dalka Lubnaan, halkaasi oo ay ku dhinteen tobanaan qof ayna ku dhaawacmeen ku dhawaad ​​3,000 oo qof.

       SOURCE ALJAZEERA

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

No description available.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here