BUULA-BURDE (DAYNIILE.COM)-Deegaanka Abooreey ee hoos taga Degmada Buulo-burde oo maalmihii ugu dambeeyay uu ka socday dagaaladii ugu cuslaa ee alshabaab iyo dowlada dhex-mara ayaa galay maalintii 4-aad.
Wararka madaxa banaan ee aan heleyno ayaa sheegaya in Alshabaab wali gacanta ku hayaan Deegaankaasi Abooreey oo afarta maalinba ay laga saari la’yahay balse ay go’doon cml ku yihiin.
Sarakiisha Ciidamada ee ka hadasha dagaalka Abooreey ayaad moodaa inay marar badan sheegeen inay ka sareen Alshabaab balse waxay wararka madaxa banaan waxay xaqiijinayaan xitaa hal maalin oo ka mida inaysan Alshabaab ka bixin deegaanka.
Dhufeysyo waa weyn ayay ka qoteen bartamaha deegaanka gaar ahaan guryihiin dadka shacabku lahaayeen ayay dhufeysyo ka dhigteen si ay uga dhuuntaan diyaaradaha dagaalka ee ciidamada Cirka Somalia iyo kuwa saaxiibada caalamka waana taatiko cusub.
Saraakiisha iyo masuuliyiintii deegaankaasi ee dibad jooga ah ayaa hada wararka ay xiinayaan saxaafada waxay isaga mid ka yihiin in qorshaha hada socda uu yahay in dhamaan guryaha deegaanka dhulka lala simo oo lagu fasaxo diyaaradaha dagaalka ciidamada Dowlada.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM