LOS-ANGELES (DAYNIILE.COM)-Waxaa sii kordhaya khasaaraha ka dhashay dabka ka kacay Magaalada Los Angeles  ee Gobolka Califronia ee Dalka Mareykanka sida hantida iyo khasaaraha naeed intaba.

Dabkaan oo bilowday khamiistii galabteeda ayaa galaatay nolosha dad badan,guryo iyo hanti waxaana la xaqiijiyay in masiibadaani ama dabkaani inta badan inuu xowli ugu socdo siduu khamiistii u bilowday oo aysan jirin wax is badal ah ama hoos dhac ku yimid.

Advertisement

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in dhimashada dadka ay mareyso 13 ruux halka 13 kalana nolol iyo geeri midna lagu heyn.

Sidoo kale Dabka waxaa ku bur burey hanti lagu qiyaasay 150 Bilyan Dolar oo ah tii ugu badneyn abid ee Mareykanka ka khasaarta.

Dhanka guryaha waxaa la sheegay inay ku burbureebn 12-kun guri halka laga barakacay 150-kun guri.

Madaxweyne xigeenka Mareykanka Haweeneyda lagu magacaabo Kamala Harris  ayaa ka mid ah dadka masiibadan darteed uga qaxday gurigeeda oo ku yaal Magaalada Los Angeles ee gobolka Califronia.

Gaadiidka Dab-damiska iyo Heyla kobtaro ayaa ka qeybqaadanaya daminta dabkaani oo u muuqda mid aan wax laga qaban karin, iyadoo Magaalada inta badan uu ka dhigay meel lama dagaan ah sida dabku u cunay guriyihii iyo qurucdii magaalada ka jirtay darteed.

XAIISKA WARARKA
DAYNIILE.COMDabka Los Angeles oo sii fidaya | Radio Beerlula Baladwayne

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here