GAZA (DAYNIILE.COM)-Weerarada Israel ayaa 24-kii saac ee lasoo dhaafay ku dilay ugu yaraan 25 falastiiniyiin ah guud ahaan Gaza, Tirooyinka laga soo xigtay Xafiiska Tirakoobka Dhexe ee Falastiiniyiinta ayaa muujinaya in ciidamada Israa’iil ay dileen 1.8 boqolkiiba dadka Marinka Gaza tan iyo Oktoobar 7 – 75 boqolkiiba dhibbanayaasha 30 ka yar.

Tobanaan kun oo Falastiiniyiin ah ayaa lagu qasbay in ay ka cararaan Khan Younis oo ay seexdaan laamiyada iyo waddooyinka meelo kale oo ka tirsan gobolka, iyaga oo aan haysan cunto iyo biyo.

Advertisement

Ururka Xisbullah ayaa gantaalo badan ku garaacay waqooyiga Israa’iil, iyagoo bartilmaameedsaday magaalooyin dhowr ah, iyadoo xiisadda ka taagan tahay bariga dhexe.

Xamaas waxay ugu baaqaysaa Maraykanka, Qatar iyo Masar inay soo gudbiyaan qorshe lagu dhaqan gelinayo soo jeedinta xabbad joojinta ee uu soo jeediyay madaxweynaha Maraykanka Joe Biden, halkii ay ka qaban lahaayeen wareegyo badan oo wada xaajood ah oo ay ka wadahadlaan soo jeedinta cusub ee Gaza.

Ugu yaraan 39,897 qof ayaa lagu dilay, 92,152 kalena waa lagu dhaawacay dagaalka Israa’iil ee Gaza. Qiyaastii 1,139 qof ayaa lagu dilay Israa’iil intii lagu guda jiray weerarradii ay Xamaas hoggaaminaysay ee dhacay 7-dii Oktoobar, in ka badan 200 oo qofna waa la qafaashay.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

No description available.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here