Gargaar la’aan, nafaqo daro dheeri ah oo soo wajahday reer Gaza ayaa hadana la soo sheegayaa in 3,500 oo carruur ah halis ugu jiraan inay u dhintaan nafaqo-xumo.

Xafiiska Warbaahinta Dawladda Gaza ayaa ka digay dhibaatadaasi soo wajahday maatada reer Gaza.

Advertisement

Kooxda hubeysan ee Xisbullah ee dalka Lubnaan ayaa soo bandhigtay muuqaal ay soo duubeen diyaarado aan duuliye lahayn oo muujinaya ilaalo lagu hayo dekedda magaalada Haifa ee dalka Israa’iil, iyadoo ergayga Mareykanka Amos Hochstein uu soo gabagabeynayo booqasho uu ku tagay magaalada Beyruut oo looga gol leeyahay in lagu qaboojiyo xiisadda ka taagan xadka Israa’iil iyo Lubnaan.

Duqeymo badan oo dhimasho iyo dhaawac sababay ayaa lagu soo warramayaa in habeenkii xalay ay ka dhaceen xerada qaxootiga ee Nuseirat ee bartamaha Gaza.

Ugu yaraan sagaal falastiiniyiin ah oo ku sugayay baabuurta gargaarka ee Rafah ayaa ku dhintay dhowr kalana waa ay ku dhaawacmeen dab ka kacay Israa’iil.

Ugu yaraan 37,372 qof ayaa lagu dilay 85,452 kalena waa lagu dhaawacay dagaalka Israa’iil ee Gaza tan iyo 7-dii October.

SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here