QAZA (DAYNIIL.COM)-Ciidamada Israa’iil ayaa sii wada duqeymaha ay ku hayaan magaalada Rafah, weerarradan ayaa imaanaya hal habeen kaddib markii ciidamada Israa’iil ay duqeeyeen xero ay ku noolaayeen dad Falastiiniyiin ah oo ku yaalla aag nabdoon oo ku taalla Rafah, halkaasoo ay ku dileen 45 qof.

Dacwad oogaha sare ee militariga Israa’iil ayaa ku tilmaamay weerarka Rafah inuu ahaa “mid aad u daran” wuxuuna sheegay in baaritaan uu socdo.

Advertisement

Milateriga Israa’iil ayaa goor sii horreysay xaqiijiyay in ay weerarka ku qaadeen xerada, iyagoo sheegay in ay bartilmaameedsadeen dagaalyahannada Xamaas.

Cusbitaalka Kuwait Specialty Hospital, oo ka mid ah labada cosbitaal ee Rafah, ayaa loo xidhay weerarada Israel.|

Ugu yaraan 36,050 falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay 81,026na waa lagu dhaawacay dagaalka Israa’iil ee Gaza tan iyo 7-dii October.

SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here