Xamaas ayaa cambaareysay dalabka dib u cusboonaysiinta ee Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee ah iibsiga iyo lahaanshaha Gaza.
Ciidamada Israa’iil ayaa afar qof oo ay ku jirto haweeney da’ ah ku dilay Marinka Gaza, iyadoo Falastiiniyiintu ay weli ku soo laabanayaan burburka guryahoodii ee ku yaalla waqooyiga ka dib markii milatariga Israa’iil ay isaga baxeen marinka Netzarim Corridor.
Ciidamada Israel ayaa xerada qaxootiga ee Nuur Shams ku toogtay saddex qof oo Falastiini ah oo ay ku jirto haweeney uur leh, xilli ay sii kordhiyeen weerarada ay ku hayaan Daanta Galbeed ee la haysto.
Dagaalka Israa’iil ee Qaza waxa uu dilay 48,189 qof oo la xaqiijiyey, waxaana ku dhaawacmay 111,640, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee dhulkaas.
Xafiiska warbaahinta ee Gaza ayaa u cusboonaysiiyay tirada dhimashada ugu yaraan 61,709 qof, isaga oo sheegay in kumanaan qof oo lagu la’yahay burburka hoostiisa loo malaynayo inay dhinteen.
Dhanka kale ugu yaraan 1,139 qof ayaa lagu dilay Israa’iil intii lagu jiray weerarradii Oktoobar 7, 2023 in ka badan 200 oo qofna waa la qafaashay.
SOURCE ALJAZEER
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM