QAZA (DAYNIILE.COM)-Diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil, ayaa madaafiic  24-kii saac ee la soo dhaafay ku garaacay dadka rayidka ah ee ku nool waqooyiga, bartamaha iyo koonfurta Gaza, halkaas oo ay ku dileen daraasiin shacab ah.

Ciidamada dhulka ee Israa’iil iyo kuwa cirka waxay  burburiyeen guryaha la deggan yahay ee koonfurta magaalada.

Advertisement

Ku xigeenka madaxa UNICEF ayaa u sheegay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay warbixin kooban oo ku saabsan Gaza sida in meydadka kumamaan ka mida carruurta reer Gaza ay ku hoos jiraan burburka guryaha ay Yuhuudu madaafiicda la dhacday.

Xili dhiiga Muslimiinta Falastiin uu qubanaayo ayuu hadana Wasiirka difaaca Israa’iil Yoav Gallant ku faanay in horumar la taaban karo laga sameeyay taageerada Mareykanka ee xoojinta xoogga iyo saadka hubka ee Israa’iil .

Khaled Shakshir, oo ah farsamoyaqaan oo iskaa wax u qabso ah u jooga Isbitaalka Al-Aqsa ee ku yaala Gaza ayaa sheegay inay jabeen oo hada aysan shaqeyneyn mashiinadii suuxdinta ee Isbitaalku isticmaali jirey.

Ugu yaraan 37,718 qof ayaa lagu dilay 86,377 kalena waa lagu dhaawacay dagaalka Israa’iil ee Gaza tan iyo 7-dii October.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here