QAZA (DAYNIILE.COM)-Dagaalka u dhexeeya ciidamada Israa’iil iyo dagaalyahannada Falastiiniyiinta ayaa ka socday xaafadda Shujayea ee magaalada Gaza, kaas oo ku xannibmay kumannaan qof oo aan helin cunto iyo daryeel caafimaad.

Sarkaal sare oo ka tirsan Xamaas ayaa sheegay in aysan jirin wax horumar ah oo laga gaaray wadahadalada xabad joojinta, laakiin kooxda Falastiin ayaa wali diyaar u ah in ay si wanaagsan ula macaamilaan soo jeedin kasta oo ay ku jirto xabad joojin joogto ah.

Advertisement

Jaamacadda Carabta, Midowga Yurub, Masar, Sacuudi Carabiya iyo Qatar ayaa dhaleeceeyay go’aanka Israa’iil ee ah in ay sharciyeyso shan deegaan iyadoo wasiir Israa’iil uu ballan qaaday in uu “hal milyan” oo cusub u keeni doono Daanta Galbeed ee la haysto.

Ugu yaraan 37,834 qof ayaa lagu dilay 86,858 kalana waa lagu dhaawacay dagaalka Israa’iil ee Gaza tan iyo 7-dii October.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here